Bariis

Bariis
White flower surrounded by long green leaves.
Beeraha Bariiska
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiospermae
(darajo la'aan): Monocotyledones
Dirka: Poales
Bahka: Poaceae
Duulka: Oryza
Noocyada: glaberrima
sativa

Magaca laba-geesoodka ah
Oryza glaberrima
Oryza sativa

Jaadyo badan oo ka mid ah Bariiska
Kani waa maqaal ku saabsan Bariiska, isticmaal kale fiiri "Bariis isticmaal kale".

Bariis (Af Carabi : ar‎; Af-Taliyaani : riso; Af Ingiriis : rice ) waa siidh firiley ah oo ka baxa dhir loo yaqaano Oryza sativa (Bariiska Aasiya) iyo Oryza glaberrima (Bariiska Qaarada Afrika).

Bariisku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu badan ee dunida laga cuno gaar ahaan qaarada Afrika iyo qaarada asiya. Sida cilmi-baadhis aarkiyooloji ahi qeexday bani-Aademku waxay beeran jireen bariiska tan iyo 10,000 oo sano ka hor maantana waa 20% cuntada dunida. Bariisku waxa uu ka baxaa meelo kala duwan oo dunida ah, gaar ahaan dhulka roobleeyda ah ama biyo badan leh iyo caro aad u nafaqo badan. Geedka bariisku wuxuu u baahan yahay ugu yaraan lix bilood oo qorax heer-kulkeedu ka sareeyo 22 °C iyo biyo waraabin joogto ah. Waxaa jira noocyo badan oo bariis ah, taasi oo ku tiirsan deegaanka uu ka baxayo iyo cimilada, sidaas ay tahay noocyada bariiska waxaa saamayn ku leh farsamada warshadaynta. Cuntada bariisku wuxuu leeyahay kaarbonhaydarayd jidhka nooluhu u isticmaalo inuu awood ka dhigto. Inkasta ooy jiraan xanuuno yar-yar oo bariisku ku keeno noolaha, sida calool-taag, waxa daraasad 2008dii soo baxdey sheegtay in cunitaanka bariiska waqti aad u dheer keento kansarka caloosha (fiiri Caafimaadka iyo Nafaqada Bariiska).

Qaarada Aasiya, gaar ahaan wadanada Shiinaha iyo Hindiya ayaana ugu badan soo saarka bariiska aduunka.


From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne