Bil (astaan: ), weedh Bilo ama Billo Wadar bilood (Ingiriis: month; Carabi: شهر) waa tiro wakhti ah lagu qiyaaso wareega dayaxa, sidoo kale loo isticmaalo xisaabinta wakhtiga sanadka. Sida ku xusan helitaanka culimada sayniska iyo cilmi falaga wareega saxda ah ee hal bil waa 29.53 maalmood oo u dhiganta hal wareeg oo dayaxu ku sameeyay meeraha dhulka.