Boqortooyo (biyoloji) (Af Ingiriis : kingdom (biology); Af Carabi : ar) (magaca Saynis regnum, wadar ahaan regna) waa heerka labaad ee loo kala saaro noocyada noolaha. Boqortooyadani waxaa loo sii kala jebiyaa kooxo yar-yar oo Saynis ahaan loo yaqaano Fyla (Phyla). In kastoo kala qeybinta kooxaha boqortooyada ee biyoloji lagu kala duwan yahay, wadanka Maraykanka iyo Kanada waxay qeybahaasi ka dhigaan ilaa lix kooxood (Xayawaan, Dhir, Fungi, Brotista, Arjaeya, Bakteriya); halka wadanada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Hindiya, Australia, Latin Amerika, meelo badan oo Afrika ah iyo wadano kale waxay aqoonsadeen kaliya shan koox oo ka tirsan boqortooyada, kuwaasi oo kala ah: Xayawaanka, Dhirta, Fungiga, Brotistaha iyo Bakteriyada.[1]