Silsilad ka mid ah |
Dharka |
---|
![]() |
Dharka Ragga |
Dharka Dumarka |
Noocyo kale |
La xidhiidha |
|
Cimaamad (Af Ingiriis : keffiyeh; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano Cumaamad, waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Cimaamadu waxay ka mid tahay dharka ragga inkastoo dumarka laftoodu xidhaan mararka qaar. Sidoo kale waxaa cimaamada aad caan uga tahay Dunida Islaamka taasi oo dadku u xidhaas astaan diin ahaaneed. Meelaha qaar sida Gobolka Bariga Dhexe iyo deegaanada kale ee ku dhaqan yihiin Dadka Carabta ah waxaa caan ka ah xidhashada cimaamada oo loo isticmaalo dhar ahaan. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]