Dhar

Suuq dharka lagu iibiyo oo ku yaala Karachi, Bakistaan.

Dhar (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.

Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.


From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne