Digir

Kani waa maqaal ku saabsan digirta. Maqaalo kale fiiri digir guud, faasuliyad, digirta madow, digirta cas, digirta cad
Digir
midhaha digirta
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperms
(darajo la'aan): Eudicots
(darajo la'aan): Rosids
Dirka: Fabales
Bahka: Fabaceae
Bahka hoose: Faboideae
Qabiilka: Phaseoleae
Qabyaalad: Phaseolinae
Duulka: Cowsley
Noocyada: Firi P. vulgaris
Magaca laba-geesoodka ah
Digir Phaseolus vulgaris
Carl Linnaeus[1]

Digir (Af Ingiriis : bean; Af Carabi : ar‎) Saynis ahaan ka mid ah dhirta lagu magacaabo "Phaseolus vulgaris"[2] waa midho Digirta guud taasi oo leh midab casaan iyo cowlaan isku dhex jira.[3][4] Digirtu waxay ka mid tahay dhirta qaniga ku ah nafaqada borotiinka ee firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah.[5] Gabi ahaan dhirta geedaha digirtu waa mid dhasha hal mar sanadkii, taasi oo u baahan cimilo iyo biyo kala gedisan.[4] Digirtu waa midho yaryar oo adag, qalalan, leh midabo kala duwan taasi oo ku salaysan cimilada, deegaanka iyo nafaqada geedka. Sidoo kale waxaa saameyn ku leh kala duwanaanta midhaha digirta waa jiiniska (genes),

Digirtu waxay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinka ka hor, wakhti hada laga joogo 10,000 sano.[6] Sida caadiga ah digirta waxaa maanta laga beerta meel kasta oo caalamka ah, marka laga reebo Antaraktika. Wadanada Baraasiil iyo Hindiya aya ugu badan soo saarida iyo beerida digirta qalalan, halka wadanka Shiinaha ugu badan yahay nooca digirta cagaaran. Sanadkii 2010ka waxaa caalamku guud ahaan soo saaray 23 milyan oo digirta guud ah iyo 17.1 milyan oo digirta cagaaran ah.

Waxaa jira noocyo badan oo digir ah kuwaasi waxaa ka mid ah: digirta caadiga ah, faasuliyada, digirta madow, digirta cas, digirta cad iyo noocyo kale oo badan. In kastoo meelo badan ay ka baxdo digirtu, hadana labada Ameeriko ayaa lagu sheegaa ineey asal ahaan ka soo jeedo.

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2017-10-02. Soo qaatay 2015-09-21.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Gentry, Howard Scott. Economic Botany. New York Botanical Garden Press. 23 (1): 55–69. JSTOR 4253014. doi:10.1007/BF02862972.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. "eb9|Gram" in the Encyclopædia Britannica, 9th ed., Vol. XI. 1880.
  4. 4.0 4.1 "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 12 October 2014. Soo qaatay 21 October 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. Philologos (October 21, 2005). The Jewish Daily Forward]] http://www.forward.com/articles/2119/. Soo qaatay 2009-03-28.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Phillips, R.; Rix, M. Random House. ISBN 9780679750246 http://books.google.ca/books/about/Vegetables.html?id=DKVFAAAAYAAJ.  Maqan ama ebar |title= (caawin)

From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne