Dishiishe

Dishiishe
دشيشي
Ugaas Xasan Ugaas Yaasin
Ugaaska guud ee beelweynta Dishiishe
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Cumaan
 Yemen
Luqada

Af-Soomaali iyo Af-Carabi

Diinta

Islam Sunni

Dadka ay dhalyo wadagaan

Gabtaanle, Majeerteen, Warsangali, Tiinle, Ogaadeen, ,Mareexaan, Dhulbahante iyo beelaha kale ee Daarood

Dishiishe (Af Ingiriis : Dishiishe, Carabi دشيشى) ; sidoo kale loo qoro Dashiishe, Dishishe, Waa qabiil Soomaaliyeed oo ka tirsan beelaha Harti ee beelwaynta Daarood, waxayna ka mid yihiin laf hoosaadka Axmed Harti loona garan ogyahay Mooracase. Waxayna wada dhasheen beelaha Gabtaanle, Tiinle iyo Maganlabe,Waxay beeshu Degtaa Gobolada Bari, Sanaag Iyo Jubbada hoose ee Soomaaliya.Sidoo kale waxay degaan dalka Cumaan gaar ahaan gobolka Dhofar. Dishiishe waxay soohdin la leeyihiin Dhanka Bari Majeerteen, dhanka Galbeedna Warsangeli. Waana Beel aad loogu qadariyo deegaanada Boosaaso iyo Hareeraheeda oo ah Degaanka ay Taariikh ahaan Degaan. [1]

  1. Central Intelligence Agency. Perry–Castañeda Library http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_ethnic_grps_2002.jpg. Soo qaatay 18 May 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)

From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne