Gaaca

Gaaca
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
Meesha ku taalo
Wadanka Somalia
Meesha30 KM ka xigta dhanka koonfureed Bari Magaalada Boosaaso

Gaaca, Ga'a; waa deegaan aad quruxsan oo soo jiidasho leh waxay Isugu jirtaa Beero iyo goob dalxiis oo dabiici ah oo leh ilo Biyoodyo aan go'in, Warro biyo jiifeen ah, Biyo dheceeno, Beero, Biyo qulqulaya oo macaan iyo Kaymo waaweyn oo jiq ah oo dalxiiska iyo tamashlahaba ku wanaagsan, Ishana u roon[1]. Gaaca waa deegaan barwaaqo ah waxaana ku nool Duur joog farabadan oo ay kamid yiihiin ugaadha noocyadeeda kala duwan, Noocyada shimbiraha dalka iyo noocyo badan oo Duur joogta qaybeheeda kale duwan ah.

Waxay ku taal Togga weyn ee Baalade, 30 KM ayeey dhanka koonfureed ka xigtaa magaalada Boosaaso. Gaaca waxay ka mid tahay meelaha ugu caansan ee loo dalxiis tago, waxaana aad u booqda dalxiisayaal Ajaanib & soomaali.

  1. http://www.somalitalk.com/gaaca/

From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne