Geed (ingiriis: Tree) waa qori ama alwaax (loox) dheer oo ka dul baxa carada oogada sare ee dhulka. Geedku waa noole ka mid ah dhirta kaasoo sanado badan jiri kara. Geedaha qaar waxay kor u baxaan in ka badan 100 mitir oo dherer ah, waxayna gaadhaan dhowr kun oo sano. Geedaha ugu dhaadheer dunida waxay leeyihiiin dherer dhan 130 mitir.
Geedku wuxuu ka kooban yahay jirid, laamo, caleemo, xidido iyo ubax kuwaas oo ah qaabdhismeedka jidhka dhirta.
Geedka sidiisaba wuxuu ka soo bilaawdaa miro, kadib wuxuu yeeshaa xidido oo dhulka hoostiisa biyo ka sii raadiyo, dhinaca kale waxaa ka baxo jirid oo banaanka u soo baxdo si ee qoraxda u hesho. Ka dib wuxuu yeeshtaa caleemo.