Hargeysa | ||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|
Coordinates: 9°33′47″N 44°4′3″E / 9.56306°N 44.06750°ECoordinates: 9°33′47″N 44°4′3″E / 9.56306°N 44.06750°E | ||||||||
Wadanka | Somaliland | |||||||
Gobolka | Maroodi Jeex | |||||||
Degmada | Degmada Hargeysa | |||||||
Dowlada | ||||||||
• Duqa | Cabdulkariim Axmed Mooge | |||||||
Area | 78 km2 (30 sq mi) | |||||||
Joogga | 1,334 m (4,377 ft) | |||||||
Tirada dadka (2019)[1] | ||||||||
• Dhammaan | 1,200,000 | |||||||
• Cufnaanta dadka | 1,600/km2 (3,000/sq mi) | |||||||
Magac kale | Hargeisan; Hargeysawi | |||||||
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) | |||||||
Furaha | +252 |
Hargeysa ama Hargaysa (Af Ingiriis : Hargeisa Af Carabi : ar[2][3]) waa caasimada dalka Somaliland. [4] Wakhtiyadii hore, magaalada Hargaysa waxay ka tirsanayd maamulkii Saldanadii Cadal ee ka arimin jirey deegaano badan ee ku taala Somaliland. Boqortooyadii Ingiriiska ayaa magaalada Berbera ka dhigay magaalo madaxdii British Somaliland, waxa sanadkii 1941 lagu wareejiyay magaalo madaxda caasimada Hargeysa. Sannadkii 1960 waxay madaxbanaani heshay ilaaladii gobolada Waqooyi kuwaasi oo la midoobay Koonfurta Soomaaliya, sidaasi ayaa Hargaysa ku dhaaftey magaalo madaxnimadi. Laakiin waxay magaaladu ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu wayn Soomaaliya.[5][6]Kadib markii ay Soomaaliya ka dhacday dagaal sokeeye ayay sanadkii 1991 noqotay caasimadda jamhuuriyadda Somaliland.
Si kastaba ha ahaate, magaalada Hargeysa waxay dhacdaa dooxada Galgodon ee deegaanada Oogo, waxayna magaaladu ka saraysaa biyaha bada joog dhan 4,377 mitir. Juquraafi ahaan magaalada Hargeysa waxay saaran tahay buuro, dooxyo iyo deegaan caro bataax leh. Si la mid ah magaalooyinka kale ee ku yaala Somaliland, dhismayaasha magaalada Hargaysa waxay caan ku yihiin farshaxanka iyo qurxinta dhagaxa dabiiciga ah ee laga helo buuraha ku hareersan magaalada.
Guud ahaan, magaalada Hargeysa waa tan ugu bulshada badan magaalooyinka Somaliland, waxaana ku nool caasimadan dad tiradoodi gaadhto in kabadan 1.2 milyan. Deegaanka magaaladan waxaa aad uga baxa geedka tiinka.
Wixii ka dhacay Soomaaliya 1988 malaha waa ka sii foolxun. Markii Hargeysa la duqeeyay ayaa dadkii deganaa lagu khasbay inay qaxaan. Askarta ayaa markaas miinooyin ku aasay guryihii laga tagay. Markii uu dagaalku dhammaaday ayay qaxootigii dib u laabteen, balse waxaa lagu naafeeyay ama lagu dilay qaraxyo qarsoon.[7]
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date=, |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)