Barnamijka Cuntada Aduunka (WFP) | |
Loo soo gaabiyo | HCA/BCA |
---|---|
Nooca | Barnaamij Baniadamtinimo ee QM |
Sharciga | Hada shaqaynaysa |
Fadhiga | Roma, Talyaaniga |
Website | www.wfp.org |
Boga Facebook Boga Twitter |
Hayada Cuntada Aduunka (Af Ingiriis : World Food Programme; Af Carabi : ar) (loo soo gaabiyo: WFP) waa waa waaxda gargaarka cuntada ee hay'ada Qaramada Midoobay iyo ururka ugu wayn caalamka ee ka warbixiya gaajada isla markaana dhiirigeliya amniga cuntada.[1] Sida ay sheegtay hay'adani waxay gargaar cunto gaadhsiisaa sanad kasta dad dhan 80 milyan oo ku kala nool 75 wadan.[2] Magaca hayada marka la fasiro oo noqonaya Barnaamijka Cuntada Aduunka waxa xarunta ugu sareeysa ku leedahay magaalada Roma wadanka Talyaaniga, iyo in ka badan ilaa 80 xafiis dacalada aduunka. Intaas waxaa dheer, muhiimada koowaad hayadu waxay siisa dadka awoodi waayay ineey cunto u helaan naftooda iyo qoyskooda sababo la xidhiidha dagaalo, xanuuno, musiibo dabiici ah (sida daad, duufaan, abaaro, dhulgariir iwm) darteed.
Guud ahaanHay'ada Cuntada Aduunka oo loo soo gaabiyo WFP waxay xubin ka tahay Kooxda Horumarka Qaramada Midoobay iyo waaxda Golaha Go'aaminta.[3]
|title=
(caawin)