Holland

Coordinates: 52°19′N 5°33′E / 52.317°N 5.550°E / 52.317; 5.550

Boqortooyada Holland
Heesta qaranka: Het Wilhelmus
Cagaarka Khuntiga ah waa Dalka Holland Halka Cagaarka khafiifka ah uu yahay Midowga Yurub
Cagaarka Khuntiga ah waa Dalka Holland Halka Cagaarka khafiifka ah uu yahay Midowga Yurub
Cagaarka Khuntiga ah waa Dalka Holland Halka Cagaarka khafiifka ah uu yahay Midowga Yurub
Magaalo madaxAmistardam
Luqadaha rasmiga ah Af-Holandees
Dadka Holandees
Baaxad
 -  Guud ahaan 41,865 km2 
16,164 sq mi 
 -  Biyo (%) 18,41

Holland ama Boqortooyada Holland (nl: Nederland), waa wadan ku yaala waqooyi Galbeed ee qaarada Yurub, waxaa ku nool in kabadan 16 milyan oo qof, caasimada wadanku waa Amistardam, xarunta wadanka looga taliyo waa Den Haag magaalooyinka ugu waa weyn waxaa ka mida magaalada Rotterdam oo ah caasimada labaad ahna Dekeda ugu weyn ee Yurub, waa boqortooyo baarlamaani ah oo dimuquraadi ah wadanka waxaa gacanta ku haysa boqorada oo magaceedu yahay Beatrix, Ra'iisulwasaaraha waa Mark Rutte.

Runtii waddanku waa dhul hoose oo si cajiib leh u fidsan, oo leh balaadhyo waaweyn oo harooyin, webiyo, iyo kanaalo ah. Qiyaastii 2,500 mayl laba jibaaran (6,500 km oo laba jibaaran) Holland waxay ka kooban tahay dhul Gabi ahaan ahaan jrey xeebo, wabiyaal, harooyin iyo biyomareen, habraac taxadar leh oo loo maareeyo biyaha u noqda wakhtiyadii dhexe. xeebaha, iyo harooyin iyo biyo-mareen ayaa laga guray, gaar ahaan hareeraha webiyo badan. Dhammaan dhulkan cusub waxa loo beddelay dhulkaan aad mantey u jeedan, oo inta badan ay ku hareeraysan yihiin digsiyada. Markii hore, awoodda adanaha iyo fardaha ayaa loo isticmaali jiray si ay dhulka u daadiyaan, laakiin markii dambe waxaa lagu beddelay mishiinka dabaysha, sida shabakadda warshadda ee Kinderdijk-Elshout, oo hadda ah Meel tariikhi ah oo UNESCO u diwaan gashan. Qorshayaasha xakamaynta biyaha ee ugu waynaa waxa la fuliyay nuskii labaad ee qarnigii 19-aad iyo qarnigii 20aad, markaasoo matoorada uumiga iyo, ka dib, bambooyin koronto ama naafto ah la isticmaalay. [1]

In kasta oo ay dawladdu dhiirigalisay haajirin ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kaas oo sababay in ilaa 500,000 oo qof ay ka baxaan dalka, Nederland maanta waa mid ka mid ah waddamada ugu dadka badan adduunka. In kasta oo dadka guud ahaan ay syihiin ah "ciroole" taaso lawgala jeedo dadweynaha ku nool dalkaas ay Da'doodu ka weyn tahay 65, Amsterdam waxay sii ahaanaysaa mid ka mid ah xarumaha ugu nool ee dhaqanka dhalinyarada caalamiga ah. Halkaas, laga yaabee in ka badan meel kasta oo dalka ka mid ah, dhaqanka Nederland ee dulqaadka bulshada ayaa si diyaar ah loola kulmo. Dhileysiga, isticmaalka "daroogo jilicsan" (mariguwana iyo xashiish), iyo euthanasia dhamaantood waa sharci laakiin si taxadar leh ayaa loo maamulaa Nederland, oo sidoo kale ahaa waddankii ugu horreeyay ee sharciyeeyay guurka dadka isku jinsiga ah. [2]

Holland waxaa lagu naanaysaa dhulka hooseeya inta badan dhulka holand waxa uu ka hooseeyaa bada holan waxa ay ka koobantahay 12 gobol holland waxa ay ku fadhidaa dhul le'eg ama qiyas tiisu tahay 14,526 km isku wareeg ah.

tirada dadk awaxaa lagu qiyaasaa 16,135,992 ruux lacagta holland isticmaashaa waa yuuro holand waxa ay ka horaysaa wakhtiga ama saacada caalimiga ah hal saac.

sumada gaadiidka holland waa NL, sumada intenatku waa NL. Holland waxa ay xuduud la leedahy wadamada Beljimka iyo Jarmalka dhinaca waqooyi waxa ay xuduud kala leedahay bada holland waa dawlad ka mida midawga Yurub.


From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne