Las Fegas, Nevada | |
---|---|
Nickname(s): | |
meesha ka dhacdo wadanka Maraykanka | |
Wadanka | ![]() |
Gobol | Nevada |
Degmo | Clark County |
La aasaasay | May 15, 1905 |
Incorporated | Maarso 16, 1911 |
Dowlada | |
• Nuuca | Maamulka deegaanka |
• Duqa-magaalada | Carolyn Goodman (Xisbiga Madaxabanaan) |
• Maamulka Caasimada | Betsy Fretwell |
Area | 352 km2 (135.8 sq mi) |
• Land | 352 km2 (135.8 sq mi) |
• Water | 0 km2 (.05 sq mi) |
Joogga | 610 m (2,001 ft) |
Tirada dadka (2010)[4] | |
• Caasimad | 583,756 |
• Cufnaanta dadka | 1,659.5/km2 (4,298.1/sq mi) |
• Urban | 1,314,356 |
• Metro | 1,951,269 |
(mida 30aad ugu dadka badan Maraykanka) | |
Magac kale | Las Vegan |
Aag saacadeed | UTC−8 (PST) |
• Xagaa (DST) | UTC−7 (PDT) |
Furaha | Area Kodh 702 & 725 |
FIPS code | 32-40000 |
Astaanta GNIS | 0847388 |
Website | www.lasvegasnevada.gov |
Las Fegas, Las Vegas, / ˈveɪɡəs/ (locally, also pronounced as / ˈvɛɡɨs/) sida dowliga ah lagu magacaabo Caasimada Las Fegas, ama loo soo faabiyo Fegas waa caasimad ku taala gobolka Nevada ee wadanka Maraykanka. Waa magaalada ugu dadka badan gobolka Nevada, fadhiga dowlada degmada Kalark, iyo caasimada rasmiga ah ee Dooxada Las Fegas.[5] Caasimada Las Fegas waxay caan ku tahay oo caalamka dhan looga yaqaanaa ineey tahay hooyga khamaarka, adeega, cuntada, nolosha habeenkii, tumashada, tamashlaha iyo dalxiiska. Magaaladani waa xarunta ganacsiga iyo dhaqanka ee Koonfurta Nevada.
Caasimada Las Fegas waxay ku faantaa ineey tahay hooyga madadaalada caalamka ayada oo caan ku ah xarumaha lagu khamaaro ee loo yaqaano "Casino", huteelada raaxada iyo noocyada kala duwan ee madadaalada. Intaas waxaa dheer in Las Fegas tahay magaalada 29aad ee ugu shacabka badan wadanka Maraykanka, waxayna leedahay tiro dad ah oo dhan 603,488 (sida lagu ogaaday tiro koobtii 2013kii).[6] Marka lagu daro deegaanada hoosyimaada Las Fegas Metropolitan waxa ku dhaqan dad gaadhaya 2,027,828.[4]
Caasimada Las Fegas waa mid ka mid ah sadexda magaalo ee hogaaminaya ganacsiga, dhaqaalaha, madadaalada, dalxiiska, kulanada iyo teknoolojiyada wadanka Maraykanka.[7] Intaasi waxaa dheer, caasimadan iyo nawaaxigeeda waxaa lagu amaanaa oo dhowr jeer abaal marin lagu siiyay hoteelada ugu heerka sareeya caalamka, soo dhowaynta iyo marti-gelinta.[8][9][10][11]
Caasimada Las Fegas waxaa la aasaasay sanadkii 1905tii waxaana caasimad ahaan loo magacaabay 1911kii. Magaaladani waa mid ka mid ah caasimadaha ugu da'da yar wadanka Maraykanka ee la dhisay qarnigii 19aad. Guud ahan Las Fegas waa xarun ku caan ah filimaanta, barnaamijyada telefishanka, heesaha iyo khamaarka.
Deegaanka magaaladani wuxuu dhacaa bartamaha lamadegaanka ugu weyn gobolka Nevada.[12][13]
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)[dead link]
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date=
(caawin)
|ciwaan=
ignored (caawin)
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)