Moos ama Muus (Af Ingiriis : Banana , Af Carabi : ar) waa mid ka mid ah dhirta miraheeda la cuno, midabka maqaarkeeda na yahay qeenid. moosku wuxu la leeyhay noocyo iyo midabo kala duwan, waxaa ka mida mooska caadiga ah, moos sokorow, iyo moos bukeeni oo la karsado kuna badan dhulka koofurta soomaaliya. Soomaaliya ayaa lambarka koowaad ee dhoofinta mooska haystay waagii dowlada, mooska aay soomalidu ku caanka yihiin waa mid ka mida nooca afka shisheeye lagu yiraahdo (herbaceous plant) waxana isga lagu yiraa afka qalaad (banana cultivar), asal ahaana waxa uu ka yimi wadamada Shiinaha Fiyetnam. Mooska waa kan loogu jecelyahay uguna isticmala badan noocyada herbaceous plant.
Dhaqamada caanka iyo aduunkaba[1], Mooska waxa badana loo yaqaana wax jelicsan oo macaan. marka loo eegaayo, mooska cadiga ah.laakin waxa jira , miro ka mida mooska oo la kariyo oo loo yaqaan Moosbukiini iyo noocyo kale oo badan, laakin ma wada ahaa sidaa mooska aynu naqaano.Mooska waxa uu ka baxaa wadamada ku hareersan dhulbaraha ama wadamada leh cimilada trobikaalka,gaar ahaan jasiiradaha[2]