Morgan Freeman | |
---|---|
![]() Mudane Freeman sanadkii Disambar 2008 | |
Ku dhashay | Memphis, Tennessee, Maraykanka | Juun 1, 1937
Shaqada | Atoore, jiheeye |
Sanadaha Shaqada | 1964–ilaa hada |
Qiimaha netka | lacagta uu haysto $90 milyan (2014)[1] |
Xaasaska |
|
Morgan Freeman[2] (dhashay Juune 1, 1937)[3] waa atoore, filim jiheeye, codeeye iyo sheekeeye. Freeman wuxuu ku guuleystay Abaal-marinta Academyga, ka dib markii uu si fiican u matelay filimaan dhaqaale badan soo hooyay; kuwaas waxaa ka mid ah: Street Smart, Driving Miss Daisy, The Shawshank Redemption iyo Invictus. Intaasi waxaa dheer, mudadii uu ku dhex jirey filimaanta wuxuu sanadkii 2005ta ku guuleystay "Abaal-marinta Oskar" ee lagu siiyay jilitaankiisa filimka Million Dollar Baby. Sidoo kale wuxuu mutaystay "Abaal-marinta Golden Globe" iyo "Abaal-marinta Screen Actors Guild". Filimaanta ugu heerka sareeya ee mudane Freeman ka qeybqaatey ama uu jiley waxaa ka mid ah Unforgiven, Glory, Robin Hood: Prince of Thieves, Seven (1995 film), Deep Impact, The Sum of All Fears, Bruce Almighty, Along Came a Spider (film), The Dark Knight Trilogy, March of the Penguins, The Lego Movie, iyo Lucy (2014 film); kuwaasi oo dhamaantood soo hooyay lacag badan, magac iyo sumcad xaga filimaanta ah. Dhinaca kale, Morgan Freeman wuxuu caan ku yahay cod cajiib ah oo ka caawisay in filimaan badan lagu daro ama loo isticmaalo codkiisa. Filimki ugu horeeyay ee uu ka qeybqaato Morgan wuxuu ahaa The Electric Company. Morgan Freeman waa nin ka soo jeeda Dadka Madoow ama Afrikan Ameerikanka ah, wuxuuna ka mid yahay atoorayaasha faroku tiriska ah ee sumcada weyn u leh shirkadaha Hollywood, dunida filimaanta iyo caalamka intiisa kale.
|title=
(caawin)
|title=
(caawin)