Saldanada Cadal (sidoo kale loo yaqaanay
Boqortooyada Adal) waxay aheyd
boqortooyo xukumi jirtay deegaano badan oo ka tirsan
Gobolka Awdal ee waqooyiga
Somalia, meelo ka mid ah dhulka
Itoobiya iyo
Jabuuti ilaa
Eratareya. Boqortooyada Cadal waxey ka mid ahayd boqortooyada ugu
taariikhda dheeraa uguna awooda weynaa gayiga iyo deegaanada ay dagaan dadka
Soomaaliya iyo agagaarkooda. In kastoo boqortooyadu ka bilaabantey magaalada taariikhiga ah ee xuddunta u ahayd ee
Saylac waxay saldhigyo waaweyn ku lahayd magaalada
Harare iyo nawaaxigeeda.
Magaalada Saylac ayay ka bilaabantey boqortooyadu ka dib ku fidey deegaanka geeska Afrika. Sanadihii 1415 ilaa 1577 ayay boqortooyada Cadal ugu awood badneyd goortaas ooy maamuleysay in ka badan shan kun oo kilomitir isku wareeg ah.