Shaleemada Soomaaliya

Kani waa maqaal ku saabsan Shaleemada Soomaalida. Qoraalo kale fiiri filim, sheeko, suugaan, hees.
kabanku waa u muhiim heesaha qaaciga

Shaleemo Soomaalida (Af Ingiriis : Cinema of Somalia) waa shabakada soo bandhiga filimaanta, heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Shaleemo Soomaaligu waa waax ka mid ah Fanka Soomaalida. Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

Inkasto sanadahan dambe la casriyeeyay, heesaha fanka Soomaalida inta ugu badan waxaa la isticmaala agab sahal ah, sida kabanka, gitaar, durbaanka, narsada, turunbada, sacabka iyo noocyo kale. Sida badan, heesaha fanka Soomaalidu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.

Fanka Soomaalida waxaa diyaariya dad badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah abwaanka (qofka sameeya sheeko, gabay, hees iwm), laxanmiiste, fanaan, jilaa, atoore, muusigyahan iyo kuwo kale.


From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne