Shidaal

Shidaal

Deegaanada ugu badan kheyraadka saliida dabiiciga ah ee dunida.
Ceel shidaal laga qoday oo ku yaala Texas, Maraykanka.

Shidaal sidoo kale loo yaqaano Saliida Dhulka (ingiriis: Petroleum) waa dareere ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah, ur badan, midab huruud ilaa madoow ah leh, ka samaysan isku dhisyo haydarokaarboon ah, oo laga helo oogada dhulka hoosteeda.

Ereyga shidaal waxaa la isku yidhaadhaa, saliida dabiiciga ee qayriin ee dhulka laga helo (crude oil) iyo betroolka la sifeeyay ee la isticmaalo.

Shidaalku wuxuu ka samaysmay markii tiro badan oo noole dhintay ah - u badan dhir iyo algea - ku aasmeen dhagaxa sedimentary hoostiisa, halkaas oo cadaadis iyo kul badan ku helay malaayiin sano ka hor.

Marka la derso deegaanka iyo qaabdhismeedkiisa jiyooloji, ayaa shidaalka la qodaa, ka dib saliida qaydhiin la warshadeeyaa ayadoo kul badan la isticmaalayo. Waxaana soo baxa shidaalka gasoline (petrol), kerosene, Naafto, Gaaska faysnuska lagu shido, gaamur ilaa laga gaadho asphalt iyo kimikooyink kale oo laga sameeyo bacaha iyo sheyo kale.

Isticmaalka warshadaha, gaadiidka, diyaaradaha, tareennada iwm ka sokoow, Shidaalka waxaa laga sameeyaa sheeyo aad u badan, waxaana lagu qiyaasaa in dunidu cunto 90 milyan oo foosto maalin kasta.

Shidaalku si fudud ayuu ula falgalaa dabka taas oo keenta in qiiq badan oo sun ah ku sii deeyso cirka isla markaana keenta hawo wasakhoow.

Qalinkii: Fadxi Garaad Ciise


From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne