Soomaalida

Soomaali
Dadka Somalis
Thiinada guud ee dadka
26 Million 2023
Meelaha ay ku badan yihiin
Bariga Afrika,Yurub,Waqooyiga Ameerika , Bariga Dhexe
Luqada

Af-Soomaali

[1][2]
Diinta

Ahlu Quraan, Sunni Islam, Suufi, Ghair Muqallidiinta, Jama'atul Muslimin

Dadka ay dhalyo wadagaan

CafarAgawBejaOromoSaho iyo dadyowga kale ee Kushiitiga.

Soomaali waa dad ka miid Bari Kushiitik ah ku dhaqan Faanka Afrika ama Afrika. Gaar ahaan wadanka Soomaaliya, Jabuuti, deegaano ka tirsan wadanka Itoobiya, gobalka waqooyi bari ee Kenya iyo meelo badan oo caalamka ah. Dadka Soomaalida ah waxay ka mid yihiin kooxaha Bulshada Soomaaliya; waana dadka ugu badan bulshada ku nool wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, dadka Soomaalidu waxay ku hadlaan Af-Soomaali oo kamid ah afafka Kushiitiga Faraceeda Afro-Aasiyatik.

Soomaalida waxaa kala qaybiyey gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo kala ah: Talyaani Oo haystay Koofurta Soomaaliya; Ingriiska oo haystay Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland); Faransiiska oo haystay Xeebta Soomaaliya (Jabuuti); Itoobiya iyo Ingiriiska oo haystay Soomaali Galbeed (Soomaali galbeed); iyo Kenyaoo haystay deegaanka NFD. Dadka Soomaaliyeed waxa ay wadaagaan hal af, dhaqan iyo diin. Waa hal reer laakiin waxa ay u kala qeybsamaan jufooyin hoose.

  1. Peter Austin, One Thousand Languages: Living, Endangered, and Lost, page 70
  2. Janice Hamilton, Somalia in Pictures, page 50

From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Nelliwinne