Coordinates: 10°N 49°E / 10°N 49°E
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Soomaaliya |
||||||
---|---|---|---|---|---|---|
|
||||||
Heesta qaranka: "Qolobaa Calankeed" |
||||||
![]() Meelaha ay maamusho Dowlada Somalia waxaa lagu muujiyay cagaar madow ah; meelaha ay maamusho dowladdaha Khatumo, gooni-goosadka waxaa lagu muujiyay cagaar khafiif ah. Soonayaasha la maamulaayo waa mida waqtigaan xaadirka.
|
||||||
Magaalo madax Waa Magaalada ugu balaaran | Muqdisho | |||||
Luqadaha rasmiga ah | Soomaali | |||||
Dadka | Soomaalida | |||||
Xukunka | Federaal Baarlamaanka Jamhuuriyadda | |||||
- | Madaxweynaha | Hassan Sheik Mohamoud,PDP | ||||
- | Raiisul wasaaraha | Hamza Abdi Barre | ||||
Sharci dejinta | |Baarlamaanka Federaalka | |||||
Samaynta | ||||||
- | Boqortooyada Ingiriiska Somaliland | 1884 | ||||
- | Boqortooyada Talyaaniga Somaliland | 1889 | ||||
- | ka xoroobay Boqortooyada Talyaaniga | 1 Juulyo 1960 | ||||
- | Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ogolaashaha Qaramada Midoobay | 20 Sebteembar 1960 | ||||
Baaxad | ||||||
- | Guud ahaan | 637,657 km2 (39th) 246,200 sq mi |
||||
Tirada dadka | ||||||
- | 2024 qiyaasta | 20,031,386 (65th) | ||||
- | Mugga Dadka | 19.31[1]/km2 41.73/sq mi |
||||
Wax soo saar (PPP) | 2022 qiyaastii | |||||
- | Guud ahaan | 5585.00 PPP | ||||
- | Qof qof | US$13077.23 (91th) | ||||
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) | 2023 estimate | |||||
- | Guud ahaan | 18.73 Billion Dollarka (77) | ||||
Lacagta | Shilin Soomaali ($1=106 SOS ) |
|||||
Waqtiga | EAT (UTC+3) | |||||
Taariikhda | dd/mm/yyyy | |||||
Wadista Baabuurta | midigta | |||||
Thiinada telka | +252 0634783344 | |||||
ISO 3166 code | SO | |||||
Furaha Internetka | .so |
Soomaaliya (, af somaliالصومال, Wadaad: صومالِيَ), sida rasmiga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Af Ingiriis : Federal Republic of Somalia) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii hore ee Hantiwadaaga), oo sii dhaxal ahaana loo yaqaano Soomaal waa Dowlad iyo wadan dhacda Geeska Afrika ama Foolalka Afrika ee kasii socda Marinka Gardafuul. Wuxuu ka kooban yahay maamul goboleedyo sida SSC-Khatumo state, Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed. Waxaa ka xiga bariga marinka Gardafuul iyo Seyshelles, iyo Soqotra iyo badda Soomaal, koofuurna Kenya. Waxaa ku nool dad Faanyahan ah, iyo dadka Dhul-hoos Bari Kushiitik ah.
Kiinya Koofur galbeed, iyo Gacanka Cadmeed woqooyiga iyo Marinka Gardafuul bariga iyo Itoobiya galbeedka. Waxay leedahay xad badeedka ugu dheer qaaradda Afrika. Waxaa kala duwan qaabka dhulka kuwaas oo kala ah Buuro, Dul iyo Bannaan. Cimiladeeda oo ah lama degaan kulul dhamaan sanadka iyada oo ay jiraan xoogaa dabaylo xilliyeed iyo roobab aan joogto ahayn.
Soomaaliya xilliyadii hore waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii hore ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii hore, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi.[2][3] Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay dhukii Buntiga ee hore taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon "saaxuurac" ee ka midka ahaa boqoradii Masar casrigii Dawladdii hore, iyo boqortooyadii "Xatshabsuut" ee ka mid aheeyd boqoradii qoyskii reer masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub.[4][5][6][7] Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii msar.[8] sidoo kale xilliyadii hore, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Malaw iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.[9] Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan geeska AfricaSoomaaliya Badda cas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii hore ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin Soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka Soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida magaalooyinka Muqdisho, Baraawe, Mareeg iyo Marka, taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho "Magaaladii Islaamka"[10] Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan.[11] iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga sida saldanadii Ajuuraan iyo saldanadii Warsangali taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca,[12] Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo Imaam Axmed Guray waa ciidankii ugu horeeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida[13] intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543, sidoo kale qoyskii Goonroon taasoo xukumi jirtay magaalada Laamu ee xiriirka la lahayd saldanada cumaan ee iyana hoos imaan jirtay Cusmaaniyiinta kaasoo ka qaadi jiray Jizyo suldaan axmed yuusuf, suldaankii afaraad ee Ajuuraan kaasoo xukumayay intii u dhexaysay 1848 ilaa 1878.[14] Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen cidmadooda Baragiga Afrika Si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Diiriye Guure, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo usruusado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.baraawe [File:Somali_traditional_doorway_with_decorative_carving,_set_into_white_stone_wall.jpg|thumb|right|300px|]] Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga Soomaalida.[15][16][17][18] dawladii boqortooyada Diiriye Guure waxay iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay boqortooyda Diiriye Guure 1920 kadib adeegsigii Ingiriiska uu adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta taleex caasimadda ciidankii Diiriye Guure iyo dhamaan dhulkii Diiriye Guure waxaa la wareegay ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana uwada suurta galin in uu wada qabsado qaybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya. Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Jaamacada Carabta sanadii 1974. sidoo kale Soomaaliya waxay xiriir fiican la samaysatay dadlalk afrika, waxay ka mid ahayd dawladihii aasaasay Midowga Afrika, waxay taageeri jirtay ANC ee Koonfur Afrika kana soo herjeeday nidaamkii Apartheid ee cunsuriga ahaa[19] waxay kaloo taageertay Soomaaliya dagaalyanada Eratareya intii ay ku jirtay Eretariyiinta dagaalkii looga soo horjeeday Itoobiya.[20] Iyadoo ka mid ah Dawladaha Islaamiga hadana Soomaaliya waxay ahayd aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka sidoo kale waxay xubin ka ahayd Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyadoo dhibaato kala kulantay Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo deganaasho la'an ku baahday gudaha, waxay ku guulaysatay abuurista Suuq xor ah kana sareeya inbadan ee nidaamayada dhaqaale ee Afrika kale sida ay sheegtay daraasad ay sameeysay qaramada midobay.[21]