Wareega Meere (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : planet rotation) sida la isku waafaqay, dhamaan meereyaashu waxay ku wareegaan xidig (qorax).[1] Tusaale ahaan, meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay dhamaantood waxay ku wareegaan qoraxda, jiho la mid ah tan qoraxdu u ged-gedoonto (waa qaab la mid ah habka saacadu u wareegto "clockwise").[2] Ugu yaraan, hal meere, WASP-17b, oo aad inooga fog ayaa la arkey inuu u wareego jiho ka duwan tan xidigtiisu u gedoonto.[3]
Wakhtiga ay meere ku qaadato inuu dhamaystiro hal wareeg oo uu ku soo duurayo qoraxda waxaa loo yaqaanaa sanad.[4] Hadaba sanadada meerayaashu way kala duwan yihiin taasi oo ku xidhan kolba masaafada iyo fogaanta uu u jiro qoraxda. Meeraha ugu fog masaafada qoraxda ayaa ugu sanad dheer isla markaana ugu socod gaaban sababtoo ah aad ayuu uga dheer yahay cufisjiidadka qoraxdaasi.[5]